Al-shabaab oo dhul cusub oo istiraatiiji ah ka qabsatay Puntland

Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey
Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey

Waxaa soo baxaya Warar ku saabsan sababta al shabaabka ku duulay Puntland ay doorteyn in ay galaan deegaano dhanka xeebta ah oo ka tirsan gobalada bari, Nugaal, iyo Mudug oo ka tirsan deegaanada ay maamusho Puntland

Col Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamadii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanada ka tirsan Nugaal ee Al Shabaab ay ka dagaalamayaan ay yihin kuwo istiraatiiji ah , haddii ay ku fidaana ay adkaan doonto in laga saaro halkaas.

Sidoo kale Korneelka ayaa ka digay in ay gacan ka helaan Al Qaacidada ka dagaalanta dalka Yemen sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab waxa ay ku sii qul qulayeen deegaanada maamulka Puntland iyadoona dagaal shalay ka dhacay deegaanka Suuj ee Gobolka Nugaal ay ku dhinteen illaa 10 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here