Al-shabaab oo dhaqdhaqaaq xoogan ka wada deegaano katirsan Galmudug

Al-shabaab oo qabsatay magaalada Marka
Al-shabaab oo qabsatay magaalada Marka

Maamulka Galmudug, ayaa daboolka ka qaaday inay ka hortagayaan Dhaqdhaaq ciidan oo Xoogaga Shabaab ay ka wadaan deeganada Maamulka Galmudug.

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa sheegay in madaxda Galmudug ay og yihiin dhaqdhaqaaqa ciidan oo Shabaabka ay wadaan iyo weerarada ay abaabulayaan.

Wuxuu sheegay ciidamada Galmudug inay ka hortagayaan arintaasi oo ay fashilinayaan, maadaama Shabaab ay ka adag yihiin.

“Nimankani dhaq-­dhaqaaqyada ay wadaan waan la soconnaa, waxaana keenaya awoodda iyo culeyska la saaray, waana la soconnaa meel walbo oo ay is uruursi ka wadaan oo deegaannadeenna ah.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Muddooyinkii dambe waxaa soo baxaayay warar ku aadan Dhaqdhaqaaq ciidan oo Shabaabka ay ka wadaan deeganada Maamulka Galmudug iyo deeganada dhaca dhanka Xeebta.

Al Shabaab ayaa isku daya inay weeraro ka geystaan deeganada Maamulka Galmudug iyo deeganada kale ee ciidamada Dowladda ay joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here