Al-shabaab oo dhamaystirtay qorshaha weeraro ay dhawaan ka gaystan Muqdisho

Doowlada wadanka Ingiriiska ayaa shaacisay, in Al-shabaab ay gaba gabo u mareyso qorshayaal ay doonayaan ineey ku soo weeraraan Muqdisho.

War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Britain, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay heer gaba gabo ah marsiinayaan qorshayaal ay doonayaan ineey kusoo weeraraan dhowr meelood oo magaalada Muqdisho ka tirsan.

War kasoo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada Britain u qaabilsan arimaha xiriirka wadamada barwaaqa sooranka, ayaa lagu sheegay in xog muhiim ah oo la helay ay muujineyso in Al-shabaab ay ku doonayaan in dhawaan weeraro dhiig badan ku daato ay ka geystaan xaruumo ku yaala magaalada Muqdisho, xogtaas oo ay wasaarada sheegtay ineey tahay mid lagu kalsoonaan karo.

Warkaan oo ay si weyn wax uga qoreen warbaahinta dalka Britain, ayaa waxaa lagu sheegay in dadka u dhashay boqortooyada Ingiriiska ay gabi ahaanba joojiyaan Safarada ay Muqdisho ku tagaan, maadaama ay suurtagal tahay in weeraradaas ay bartilmaameed u noqdaan, sida warbixinta lagu yiri.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Britain, ayaa u sheegay wargesyka The Guardian layiraahdo in weerarada ay Al-shabaab maleegayaan uu hada marayo heer gaba gabo ah, suurtagalna ay tahay ineey ka gaystaan goobo muhiim ah oo Muqdisho ku yaala.

Afhayeenkan, ayaa sheegay in weeraradaan  laga soo abaabulay meelo banaanka ka ah magaalada Muqdisho, waxaana uu muujiyay walaac uu ka qabo in weeraradaas ay saameyn ku yeeshaan dadka rayidka ah, waxaana uu dadka Britain uga digay ineey safari ku yimaadaan Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho.

Al-shabaab, dhowr jeer ayay Muqdisho ka geysteen weeraro uu dhiig badan ku daatay, kuwaasoo badanaa qasaaraha uu kasoo gaaro shacabka, iyagoo dadka ay dilaana ku tilmaama ineey yihiin kuwo murtadiin ah, waa sida ay hadalka u dhigaane.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here