Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay xerada laanta-buur

Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey
Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay ineey dagaal culus xalay kula wareegeen Xerada Laanta-buur ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xerada Laanta-buur, ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamada AMISOM, balse waxaa waayadaan ku sugnaa ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya, kuwaasoo iyagana isaga baxay markii ay ka war heleen weerarka Al-shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Midnimo.com, ayaa sheegay in ciidamadoo Doowlada ee halkaas ku sugnaa ay u gurteen dhinaca Afgooye.

Al-shabaab ayaa maalmahaan xoojisay weerarada iyo qaraxyada ay ka geeysaneyso Koofurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here