Al Shabaab oo dad Kenyaan ay Afduub U heysteen oo laga soo furtay

al shabaab_1

Warbaahinta Citizen ee ku taala dalka Kenya ayaa maanta qortay in ciidamada Kenya ay ku guulaysteen soo furashada 5 ruux oo Kenyan ah kuwaasoo maalmo ka hor la sheegay inay qafaasheen koox loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan dalka Kenyana weeraro ka geysata.

Boga Tv,ga Citizen ayaa asagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya in 5 ruux ay ciidamadu kusoo furteen kadib howlgal maalmo ka qaatay oo laga sameeyay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sargaal u hadlay ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa warbaahinta dalkiisa waxaa uu u sheegay inuu jiray iska hor imaad dhex maray ciidamada howlgalkaan fuliyay iyo dableydii haysatay hase ahaatee waxaa uu ka gaabsaday inuu faafaahin badan bixiyo.

Shanta ruux ee dawlada Kenya sheegtay inay soo furatay maalmo ka hor ayaa laga qafaashay Jaziiradda Lamu meel ka mid ah ayagoo xilligaasi watay gaari nooca Land Cruser,ka la yiraahdo waxaana xilligaas ay xukuumada Nairobi ku eedeysay xarakadda Al-Shabab inay falkaasi ka dambeyso inkastoo Al-Shabab aysan qaadan mas’uliyadda afduubkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here