Al-shabaab oo Bililiqeysatay deeq uu lahaa Ingiriiska

1011489_196647767169971_1495884470_nWar qoraal ah oo ay soo saartay waaxda horumarinta caalamiga ah ee dowlada Britain ayaa lagu sheegey  in kooxda Shabaab ay boob u geysteen qalab iyo  raashin gargaar ah oo dowlada Ingiriisku ugu talagashay dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Hay’adda DFID ayaa sheegtay in gargaarka iyo qalabka ay boobeen Al Shabaab uu gaarayo qiime ahaan £480,000 (oo u dhiganta $750,000).

Arrintan waxaa lagu soo bandhigay warbixin sanadeedka hay’adda DFID ee sanadkan, waxayna hay’addu sheegtay in warbixinan aan horey loo sii ogeyn maadaama ay weli gacanta ku hayeen xogta arrintan ku saabsan.

Warbixinta hay’ada DFID ay soo saartay ayaa tibaaxday inuusan jirin wax digniin hore oo Al Shabaab ay siiyeen hay’adaha maamulayey bakhaarada isla markaana si kedis ah lagu weeraray kadibna Al Shabaab ay boobtay bakhaarada raashiinku yaallay.

Gen.  Howarth oo ah sharci yaqaan ka mid ah xisbiga R/wasaare Devid Camiron  ayaa shegey in arimahani ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo qaabka loo maareyn jiray mucaawinada gargaarka ah oo ay dhiibtay Britain xiligaasi ka hor.

Sharciyaqaanka  ayaa u sheegey Jariirada lagu magacaabo Sunday Telegaraf in  lacagahaasi oo laga soo uruuriye canshuur bixiyayaasha Britain ay u gacan galaan kooxaha argagixisada Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here