Al Shabaab oo bilaawday ineey qorato ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata jaamacadaha Pakistan

Sida lagu daabacay Wargeys kasoo baxa dalka Pakistan oo lagu magacabo The Friday Times ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay qoranayaan Arday Soomaaliya oo wax ka barata dalka Pakistan.

Wargeyskan oo soo xiganaya Khubaro Madax banaan oo ku takhasusay waxyaabaha laxariira argagixisada ayaa tibaaxay in Al Shabaab ay diwan galinayaan Ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla dalka Pakistan islamarkaana loogu talo galay in weeraro ismidamin ay ka fuliyaan meelo ay ka mid tahay dalalka Yurub.

Khabiir madax banaan oo wax ka yaqaana fikradaha iyo Qorshayasha la xariira argagixisada oo lagu magacabo Caral Admir oo waraysi siinayay Wargeyska The Friday Times oo ah wargeys Asbuucla ah, kana soo baxa dalka Pakistan ayaa walaac ka muujiyay in Al Shabaab hadda ay qortaan Ardayda wax ka barta Jaamacadaha dalka Pakistan, taasina ay tahay dhibaato hor leh.

Ugu dambeyn Wargeyska ayaa soo xigtay hadal uu soo saray Madaxa Ururka Al-qaacida ee Dr.ayman al Dawahiri kaasi oo kula dar daarmay AL Shabaab, kuna dhiiri galiyay inay sii laba jibaraan weerarada ka dhanka reer galbeedka iyo saxiibadoodaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here