Al Shabaab oo baneeyey magaalada Marka iyo ciidamada Dowlada oo ku dhaw Shalaanbood

Saraakiisha Al Shabab ayaa saakay isaga baxay magaalada Marka kadib marki ay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM gaareen duleedka deegaanka Shalaanbood.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka isgarabsanaya ay dagaalo ku qabsadeen inta aysan tagin dileedka Shalaanbood oo magaalada Marka u jirto qiyaasti 10-km sida ay sheegayaan wararka.

Saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabab oo daganaa magaalada Marka tan iyo marki ay laga qabsaday deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Afgooye ayaa saakay ka baxay, maadaama aad loogu soo dhawaaday.

Lama oga meelaha ay u baxeen saraakiisha Al Shabab, hase yeeshee waxaa wali marka ku sugan dagaalyahano badan oo la sheegay in ay diyaar u yihiin dagaaal ay la galaan ciidamada Dowlada iyo kuwa Midowga Africa.

Sababaha ay u baxeen saraakiisha Al Shabab ayaa lagu sheegayaa deegaanka Shalaanbood ee ay ciidamada isgarabsanaya soo gaareen oo kor uga yaala Marka iyo wadadada Laamiga ah oo ay qabsan karaan ciidamada, sidoo kale magaalada Marka oo ah magaalo ku taalo xeebta iyo dhul qaloocan.

Hadii ay ciidamada isgarabsanaya qabsadaan magaalada Marka, Al Shabaab waxay lumin doontaa magaalo istaraatiiji ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here