Al-Shabaab oo afduubtay dhakhtar kale

Dagaalyahano katirsan shabaab
Dagaalyahanno katirsan Shabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in dhakhtar kale oo u shaqeenayay hey’adda caafimaadka adduunka WHO ay ka afduubteen degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhakhtarka la afduubtay oo lagu magacaabo Muxyadiin Taruuri , waxaana gurrigiisa kala baxay dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Waa dhakhtarkii labaad oo u shaqeenayay hey’adda WHO oo ay afduubato Al-Shabaab, horrey ayaa deegan ku dhow Buur-Hakabao waxaa lagu afduubtay dhakhtar kale oo lagu magacaabo Dr. Abuukar Haashami oo wakiil uga ahaa WHO degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sababaha ka dambeeya in ay afduubtaan labadan dhakhtar ee u shaqeenayay hey’adda WFP.

Al-Shabaab waxaa ay horrey uga mamnuucday deeganada ay ka shaqeeso hey’addaha caalamiga ee QM iyo kuwa kale gargaarka bixiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here