Al Shabaab oo 9-Dhalinyaro ah ku Xir Xiray Degmada Jowhar

Dagaalyahanada Al shabaab ee maamula magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada waxay kusoo qab qabteen ilaa sagaal dhalinyaro ah oo la sheegay in ay isticmaalaayeen waxyaabaha maanka dooriya iyo falal kale oo anshax xumo ah.

Dhalinyaradaani ayaa waxa la sheegay inay ticmaalayeen mobaylada shiineeska ah kuwaasi oo ay ka dawaanayeen waxyaabaha anshaxa wax u dhimaya.

Dhalinyaradaani ayaa waxaa loo taxaabay xabsi ay Al-Shabaab ku leeyihiin magaaladaasi sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhalinyaradaani ayaa qaarkood lagu qabqabtay iyagoo daawanayo filamada Sex-ga ah halka kuwa kalena lagu soo qabqabtay iyagoo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya sida Jaadka iyo Tubaakada.

Al shabaab ayaa inta badan waxay xabsiga dhigaan dadka ay uga shakiyaan in ay isticmaalaayeen waxyaabaha anshaxa xun iyo kuwa maanka dooriya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here