Al-shabaab oo 3 ruux oo uu kujiro Oday 110 sano jir ah ku dishay Qoryooleey

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada Hoose, waxay sheegayaan in deegaan hoosyimaada degmadaas ay Al-shabaab ku dileen 3 qof oo mid uu ahaa Oday da’ ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryooleey Cagaar, oo lasoo xiriiray mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in 3 qof lagu dilay beer ay lahaayeen oo ku taala degmada Qoryooleey.

Xasan Cagaaran, waxa uu sheegay in sadexdaan qof markii ay Shabaabku dileen ay meydkooda gubeen.

“Walaaloow xalay degmada Qoryooleey waxaa ka dhacayw ax lala yaabay, nimankii Al-shababka ahaa ayaa Oday 110 sano jir ah, wiil uu awoowe u yahay iyo mid u shaqeeynayay ku dilay beer ay lahaayeen, markeey dileena wey gubeen” sidaas waxaa warbahinta Muqdisho u sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryooleey, Xasan Cagaaran.

Al-shabaab, ayaa sidoo kale waxay bil kahor saanoo kale dil ugu geysteen deegaanka Qoryooleey nin beeraleey ahaa.

Macada sababta ka danbeysa dilka ay shabaabka Qoryooleey maamula ugu geysteen Oday da’da 110aad gaaray, iyo labada qof ee kale, laakiin Al-shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay sii laba laabay xasuuqa iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here