Al shabaab oo 3 ruux ku toogatay Baraawe

download (1)Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa sheegaya in shabaab ay saakay Degmada Baraawe ku toogteen sadex nin oo ay ku eedeeyeen ineey la shaqeeynayeen Ciidamada Nabad Sugida DF.

Shabaab ayaa ragaan sadexda ah waxay ku toogteen fagaaro weyn oo ku yaal degmada Baraawe, waxaana si qasab ah daawashadooda ugu soo qeyb galay dad weyne farabadan.

Saddexda ruux ee la toogtay ayaa waxaa magacyadooda uu kala ahaa Maxamed Deeq Xasan Cali oo 28-jir ah, Maxamuud Faarax Sabriye Shuure oo 47-jir ah iyo C/najiib Shire Barre.

Qaadiga Maxkamada Shabaab ayaa sheegay in ragan qaarkood ay muddo bilooyin la shaqeynayeen hey’adda Nabadsugida, isla markaana ay qirteen dambigooda.

Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Hoose Abuu Cabdala ayaa sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan dadka uu sheegay inay u jaajuusayaan sirdoonada reer galbeedka.

“Qofkii lagu helo, isagoo u basaasaya cadawga iyo sirdoonaa gacan bir ayaa lagu qabanayaa, waana sii wadeynaa goynta kansarka muslimiinta ku dhex jira”ayuu yiri Abuu Cabdala.

Bishii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab fagaare ku yaala Baraawe ay ku toogatay saddex ka mid ah saraakiisha Shabaab oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, isla markaana ay ahaayeen sirdoon ku dhex jiray oo la shaqeynayay sirdoonada Mareykanka iyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here