Al-shabaab: “Lama Qaadan Karo Gawaarida Muraayadaha Madow leh”

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Xarakada Alshabaab Sheekh Maxamed Cabdala oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay shacabka uga digayaan Baabuurta Muraayadaha Madow.

Sheekh Maxamed Cabdalla ayaa u sheegay Shacabka iyo Darawalada Gaadiidka ee u kala safarta Afgooye iyo Shalaambood inaysan ku kaxeysan Wadadaasi Baabuur leh Muraayado Madow , si aan hadhow loogu qaldamin oo shacabka aysan waxba u soo gaarin.

Gudomiyaha ayaa sheegay in sababta ay shacabka ugu digayaan ay tahay in Masuuliyiinta Dowlada ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku safraan wadadaasi , iyagoo kaxeysanaya Baabuurta Muraayadaha Madow , wuxuuna sheegay in la isku qaldi karo baabuurta shacabka iyo kuwa ay ku dhuumanayaan masuuliyiinta Dowlada.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Darawalada isticmaala wadada isku xirta Afgooye iyo Shabeelaha Hoose aysan kaxeysan gaadid muraayado madow , iyagoo sheegay inay dhibaato uga imaan karto.

Xarakada Alshabaab ayaa wadada isku xirta Muqdisho iy0 Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ka wadaan weeraro dhaba gal ah , iyagoo xiliyada ay ciidamada iyo masuuliyiinta ay ku safrayaan kula gala dagaalo xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here