al-shabaab lagama adkaan karo inta qabyaalad jirto: Axmed Madoobe

madoobeAxmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland,  ayaa sheegay in inta Soomaalidu ay ku dhaq-mayaan Qabyaalada aan laga adkaan doonin Al-shabaab, isla markaana aanaay suuro-gal hayn in la dhiso ciidan Qaran.

Madaxweyne Madoabe, ayaa ku tilmaamay Qabayaaladda Asnaam ay shacabka Soomaaliyeed Caabudaan, isagoo xusay in haddii aan qabyaaladda laga tegin ay taasi la micno noqonayso inaan la rabin nabad ka dhalata Somalia.

“Inta lagu dhaqmayo qabyaalad, ma filayo in laga adkaan doono Al-shabaab, waayo waxaa loo baahan yhay in laga maarmo Qabayaalad, loona jiheysto in lala dagaallamo Al-shabaab,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay sida ciidan Qaran ay ku yeelan karto Soomaliya, ayaa xusy in dhammaan ummadda loog baahan yahay inay isku duubnaato, isla markaana dowladda kala shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Ciidammo Soomaaliyeed.

“Marka hore waa in la helo saraakiil Soomaaliyeed oo ka madax-banaan qabyaalad kuwaas oo aasaas looga dhigayo ciidamada Qaran. Waana run in saraakiisha hadda shaqeynaya ay saameyn ku yeelatay Qabyaaladda,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here