Al Shabaab iyo Ahlu Sunna oo guulo ka kala sheegtay dagaalki Dhuusamareeb

Saraakiisha dagaalyahanada kala taageersan Al Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal mudo saacada ah socday oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasho codka Al Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalki Dhuusamareeb 15 ka tirsan Ahlu Suna isla markaana ku qabsadeen lix gaari oo ay ku jireen gaadiid dagaal.

“Mujaahidiinta saakay ayey weerar ku qaadeen Dhuusamareeb, waxaan la wareegnay maghaalada Dhuusamareeb, mujaahidiinta waxay ganiimeysteen ilaa iyo lix gaari sadex tikiniko ayey aheyd, sadexna waa kuwa raaxada, dhimashad inta aan aragnay waa 15 ka mid ah mushrikiinta, intaasi kadib dagaal ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Gurigeec iyo Dhuusamareeb wayna ku jabeen cadawga, intaasi kadibna mujaahdiinta amar ayaa lagu siiyey in ay ku laabtaan fariisimahooda howlgalki ay qaadeena wuxuu kusoo dhamaaday guul,” ayuu yiri C/casiis Abu Muscab.

Dhanka kalana, gudoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahlu Sunna Ismaan Nuur Taar-dhuleed oo ciidamo uu hogaaminayey ay dib uga qabsadeen Al Shabaab magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al Shabab aysan iskood uga bixin magaalada balse ay xoog ku maquuniyeen.

“Magaalada Shabaab kama bixin ee waa laga saaray, Ilaaheey fadligiis wax xun baa ka raacay, meydkooda haatan aniga ayaa dul saaray, horayba waa imaan jireen wixi ay ka heli jireen oo dhimasha ah ayeyna ka haleen, waxay qaateen laba baabuur taas waan ognahay oo uu mid saarnaa qori Zuu ah,”

Dagaalki maanta ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee sanadkaan 2012 ka dhaca magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.