Al-shabaab: inta badan Qoryooleey anagaa maamulna

qoryooleey-11Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Abu Cabdalla  ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay gacantooda oo laga bixiyey degmada Qoryooleey.

Abu Cabdalla ayaa sheegay inay labo isbuuc ciidankaan ay kusugnaayeen dhinaca Kabtan Laas islamarkaana ay labo maalin ka hor sameeyeen duulaan iyadoo ciidan kale dhinaca Janaale ay duulaan ka qaadeen.

Al Shabaab gudoomiyaha ugu magacaaban Shabellaha hoose ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ee qabsaday Qoryooleey ay weeraro joogto uga dhigeen,isagoo sheegay inay gaadiid dagaal gubeen kuna eedeeyey ciidanka qabsaday Qoryooleey inay tacadiyo ka geysteen degmadaasi.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Abu Cabdalla ayaa ku faanay inta badan inay Qoryooleey kusugan yihiin marka laga reebo ciidanka iskaabaya oo meelo cayiman fariisimo ka sameystay.

Xigasho: KNN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here