Al Shabaab oo Dad Taageeray Madaxweynaha Cusub ku Xir Xiray Galguduud

Al shabaab oo deegaano katirsan gobolka Galguduud ku xir xiray Boqolaal dadweyne ah oo aad ugu faraxsan Madaxweynaha cusub ee ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana dibadbaxyo ay isugu soo baxeen ka dhigay gobolka Galgaduud

Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ayaa boqolaal dadweyne ah oo ku faraxsanaa doorashada ka dhacday Muqdisho ku xir xiray deegaano ay kamid yihiin Galcad, Masakawa iyo deegaano kale oo ka tirsan gobbolka Galgaduud.

Dadkaani la xir xiray ayaa waxa ay dhigaayeen dibadbaxyo ay kusoo dhaweynayeen Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Al Shabaab oo kasoo horjeedaan Dowlad cusub oo ka dhalata Soomaaliya waana urur raba in ay iyagu maamulaan guud ahaanba dalka Soomaaliya isla markaana ay kusoo hoggaamiyaan ururo adduunka looga aqoonsan yahay argagixiso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here