Al Shabaab caawa isaga baxay deegaano dhowr ah oo ay ka mid tahay Ceelbuur


Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in caawa ay Al Shabaab isaga baxeen deegaano dhowr ah oo  ay ku jirto degmada Ceelbuur.

Sida ay wararku sheegayaan meelaha ay caawa faarujiyeen Al Shabaab waxaa ka mid ah deegaanada Ceelbuur, Ceeldheere, Ceel-lahelay, Wabxo  iyo kuwo kale oo ay maamulayeen ku dhawaad sadex sano.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib marki ay galabta ka baxeen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kuwaasi oo afka aaday deegaana ay Shabaab ka maamulaan Galguduud.

Wariyaasha ku sugan Guriceel ayaa soo sheegay in ciidanka Itoobiya oo kaashanaya kuwa Ahlu Sunna ay laba jiho isu qeybiyeen, qaar ayaa qabtay wadada aado degmada Ceelbuur, qaar kalana waxay isku dherariyeen jihada deegaanka Wabxo.

Lama oga Al Shabaab in ay xeelad dagaal uga baxeen iyo in ay u babac dhigi waayeen cududa ciidanka weerarka ku ah ee ku wajahan deegaanadaasi.