Al-shabaab ayaa sheegatay ineey maamulaan qaybo kamid ah Muqdisho Dhagayso

Dagaalyahanada Al-shabaab oo 2 sano kahor laga saaraymagaalada Muqdisho, ayaa sheegtay ineeys I buuxdo u maamulaan waqooyiga magaalada Muqdisho.

C/qaadir Cali Muumin oo katirsan saraakiisha Al-shabaab, mudooyinkana ku batay ka hadalka xaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay xiritaanka wadada Maka Al-mukarama iyo wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Adde.

Cabduqaadir, ayaa sheegay in cabsi laga qabo Al-shabaab loo xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana uu intaas ku daray in ganacsigii kajiray wadada Maka Al-mukarama ay arintaan cuuryaamisay.

“…Wax badan beey ku faaneen Muqdisho, nimankii  waa laga sifeeyay, barwaaqaa kajirta, qurba joogtii baa soo laabatay, dukaamadii ayaa lafurtay Hoteeladii baa la dhistay, waxaas waa been oo waxaad ogtihiin in Magaaladii ay kala xitrantahay, wadadii Maka Al-mukarama maanta lug baa lagu marayaa…” sidaa waxaa yiri C/qaadir Cali Muumin, kana tirsan Al-shabaab, kaasoo uu hadalkiisa u muuqdaay in ay dhibeyso amaanka iyo nabada ay heleen dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa markii ay arkeen xiritaanka wadada Maka Al-mukarama, ayaa hada waxay sheeganayaan in qaybo kamid ah magalada Muqdisho ay xukumaan.

Al-shabaab oo iyaga wixii kasoo haraba gaalo ku tilmaama, ayaa C/qaadir Cali Muumin oo soo hadal qaadaya doowladii Alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxa uu yiri.

“…Wadada warshadaha laga bilaabo, Gubta, Waxar Cade ilaa iyo Suuqa Xoolaha dhul aad iyo aad u weyn oo dhismay waayadii doowladii Ridada ahayd ee naga bur burtay, dhulkaas ayaa aad iyo aad u dhismay mujaahidiintuna ay ka adeeganayaan xili kasta maalin iyo habeenba, waxay doonaana ay ka sameeyaan, wax ciriiri ah iyo wax dhib ahna kuma qabaan…” ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar.

Magaalada ayaa maalmihii ugu danbeeyay u muuqatay magaalo colaadeed, kadib markii ay doowlada xirtay wadooyin muhiim u ahaa magaalada Muqdisho, taasoo dhibaato weyn ku noqotay dhacabka magaalada.

Halkaan ka dhagayso Codka C/qaadir Cali Muumin:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/cabdul-qadir-muumin-2.mp3″]

Inkastoo la xiray wadooyinka magalada Muqdisho, hadana waxba iskama badalin amaanka magaalada, oo waxaa sidoodii usii socda dilalkii iyo qaraxyadii.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here