Al-qacidada Maghreb oo qoorta kajartay lahayste u dhashay France

Wakaalada wararka ufaafisa doowlada Morocco, ayaa qortay in Al-qacidada Maghreb ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (AQIM) ay qoorta kajareen Philippe Verdon, kaasoo ay gacanta ku dhigeen bishii March 10-keeda.

Wakaalada wararka “Nawakshud” ayaa qortay in, Alqacidada Maghreb, ay Philippe Verdon ay dileen kadib markii ay ciidamada France gudaha u galeen wadanka Mali.

Pihlippe Verdon iyo Serge Lazarevic, oo labaduba u dhashay wadanka France, ayaa kooxda Al-qacidada Maghreb, waxay kasoo afduubeen magaalada “Hamburi” ee wadanka Mali sanadkii 2011.

lahaystaha la gowrcay Philippe Verdon
lahaystaha la gowrcay Philippe Verdon

Al-qacidada Maghreb, ayaa hada gacantooda waxaa ku jira 14 lahaystayaal u dhashay wadanka France, oo ay soo afduubeen sanadihii lasoo dhaafay, waxaana kujira 6 u dhalatay wadanka Mali, kuwaasoo lasoo qafaalay 2010.

Faransiiska oo Ciidamadiisa Mali kala baxaya April:

Wadanka Mali, ayaa hada waxaa ku sugan Ciidamo Faransiis ah oo gaaraya 4,000 oo askari, waxaana lagu wadaa in dhamaadka bisha April ay isaga soo baxaan.

Fransiiska, ayaa qorsheeynaya in 4,000 oo ciidamadiisa kamid ah kala Mali Bisha April
Fransiiska, ayaa qorsheeynaya in 4,000 oo ciidamadiisa kamid ah kala Mali Bisha April

Faransiiska, ayaa Ciidamadiisa usoo diray wadanka Mali, kadib markii ay isa soo tartay cabsida laga qabo in kooxaha mintidka ah, islamarkaasna xiriirka laleh Al-qacida, ay qabsadaan xaruunta wadankaas ee “Bomako”.

Kooxaha Mintidka ah, ayaa sanad kahor la wareegay magaalooyin waaweyn, sida Gao, Timbuktu, Kidal, waxayna kusoo rageen shareecada Islaamka oo ah mid ay iyagu si gaar ah u fasirteen.

Kadib markii ay ciidamada Faransiiska gudaha usoo galeen wadanka Mali, ayaa kooxahaas waxay dib uga gurteen dhamaan magaalooyinikii ay sanad kahor qabsadeen, laakiin dagaalka aya weli kasocda buuraha ku teedsan waqooyiga Saxaraha Mali.

Doowlada Faransiisaka ayaa ku dhawaaqday in bisha soo socota ay Ciidamadeeda gabi ahaanba kala baxeyso wadanka Mali, waxaana laguw adaa in Ciidamo Afrikan ah oo kasocda doowladaha gobolka ay howsha la wareegaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here