Al-qacidada Ciraaq iyo Jabahada Al-Nusra-da Syria oo isku biiray

Fariin cod ah oo u muuqatay ineey ka timid hogaamiye Al-qacida katirsan kuna sugan dalka Iraq, ayaa lagu sheegay in kooxda Alnusra ee dagaalka kula jira xoogaga Bishar Asad, ay yihiin garab kamid ah Ururkooda.

Fariintaan ayaa katimid nin lagu magacaabo, “Abuubakar Alxuseyni Alqureyshi Abuu Bagdaadi” waxana lasoo dhigay baraha Internetka, ee ay kooxaha xagjirka ah ku kulmaan, waxaana fariintaan lagu sheegay in kooxda ay si wadajir ah doowlad Islaami ah uga dhisi doonaan, Ciraaq iyo dhulka Shaam.

Abuu Bagdaadi, ayaa fariinta uu barta Internetka soo dhigay ku sheegay, in Jabhada Al-Nusra ee Syria ka dagalanta tahay farac kamid ah Al-qacidada Ciraaq, islamarkaana ay iyaga maalgaliyaan, islana abaabulaan weerarada iyo qaraxyada lala beegsado xaruumaha doowlada Syria.

“Waad soo tijaabiseen nidaamyada diktaatooriyada iyo dimoqraadiyada, waxaadna ka dhaxasheen dulmi iyo Mugdi…waxaa idinkaga horeeyay Ciraaq, Masar, Tunis, iyo Libya, fiiriya xaalka ay maanta ku suganyihiin” ayuu yiri Abuu Bagdaadi, oo fariintaan usoo diray shacabka Syria.

“Waxaa lasoo gaaray Xiligii aan dadka reer Shaam iyo Caalamkaba ogeysiin lahayn in Jabhada Al-Nusra ay tahay farac kamid ah Al-qacidada Ciraaq” ayuu Abuu Bagdaadi sii daba dhigay hadalkiisa.

Dhanka kale afhayen u hadlay kooxaha Mucaaradka Syria, ayaa sheegay in muhiimada mucaaradka ay tahay ineey ridaan oo ay meesha ka saaraan nidaamka Bishar Asad, iyo ineey ilaaliyaan midnimada iyo jiritaanka Syria, iyo ineey shacabka Syria gaarsiiyaan heer ay sanaadiiq isku doortaan oo ay six or ah codkooda u dhiibtaan.

Reer galbeedka ayaa horay shaki weyn uga qabay Jabhada AlNusra, iyagoo aaminsanaa in ay qayb kayihiin Al-qaacida, laakiin hadalka maanta kasoo yeeray Abuu Bagdaadi ayaa shakigaas horay loo qabay ka dhigay mid jira, waxaana dalka Syria dagaalka ka socda uu u muuqdaa mid lugaha la galay waji cusub.

Jabhada Al-nusra, ayaa dhowr werar iyo qaraxyo u muuqda kuwa ay Al-qacida fuliso ka geystay wadanka Syria, waxaana qaraxyadaas ku dhintay dad badan oo shacab u badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com , midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here