Al Qaacidada Soomaaliya oo kusii qul quleysa dalka Yemen

Sirdoonka dalka Yemen ayaa qiray in ay soo gaareen magaalooyinka xeebaha dalkaasi boqolaal dagaalyahano Al Qacidada Soomaaliya ah kuwaasi oo doonyo kasoo raacay xeebaha Soomaaliya.

Dhuuti Al Badri oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dalka Yemen ayaa sheegay in ay ka war hayaan dagaalyahano u badan Soomaali oo soo galay gobolo ay ka mid yihiin Abyan iyo Caden.

Warbaahinta Yemen ayaa maalmahan wax ka qoreysay wararka sheegaya in dagaalyahano badan ay ku qul qulayaan Yemen kuwaasi oo kasoo baxsaday Soomaaliya gaar ahaan duqeymaha iyo weerarada ay kala kulmayaan ciidamada Isgarabsanaya iyo diyaaradaha dagaalka ee dowladaha Ajnabiga.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ay bilaabayaan baaritaano ay ku ugaarsanayaan Al Qaacidada Yemen taasi oo dhibaato u keeni karta Soomaalida sharci darada ku gashay ee rayidka ah.

Ku xigeenka qunsulka Soomaaliya ee magaalada Caden, Xuseyn Xaaji Axmed ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidi ay u badbaadin lahaayeen dadka Soomaalida ah ee aanan ku lugta laheyn Al Qaacida.

“Marki howlgal yimaado meel kasto oo Al Qacida lagu dagaalamayo wey dhacdaa in dad aanan waxba galabsan uu saameeyo howlgalka, laakin mar walbo anaga waxaan ka codsanaa in la kala saaro nimankaasi Al Qaacida iyo dadka rayidka ah,” ayuu yiri.

Tan iyo marki ay Al Qacida iyo Al Shabaab isku darsameen waxaa jiray dagaalyahano badan oo ka tirsanaa Al Shabaab oo haatan isu badashay Al Qacida kuwaasi oo u hijrooday dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa waxaa kusii badanaya Al Qaacida oo ka faa,ideysatay kacdoonka iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagnaa Yemen, hase yeeshee todobaadkaan ayey reer Yemen doorteen madaxweyne cusub kaasi oo ah Cabdul Rabu Mansuur Haadi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.