Al Jazeera oo war kasoo saartay Wariye kaga xiran Muqdisho

hamzaMaamulka Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa shaacisay in Koox Weriyayaal u shaqeeya Aljazeera in lagu xiray magaalladda Muqdisho.

Hadal qoraal ah oo laga baahiyey Janalladda Englishka iyo Carabiga ee Aljazeera TV ayaa lagu sheegay in Xamsa Mohamed oo ay wehliyaan Filim-qaade, Jiheeye iyo Dareewalkiisa ku xiran yihiin magaalladda Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Xamsa Maxamed, isla markaan ay rajo ka qabaan in la sii dayn doono dib-u-dhac la’aan.

Weriye Xamsa Maxamed ayaa la sheegay inuu muddo hal isbuuc ah socdaal hawleed u joogay Somalia, ka hor intaysan Ciiddan ka tirsan Hay’adda NISA ku qabanin duleedka Muqdisho.

Hadalka Qoraalka ee Telefishinka Aljazeera ayaa lagu sheegay inuu Weriye Xamsa Maxamed si caadi ah socdaal ugu imaan jirey Somalia saddexdii sanno ee la soo dhaafay, isagoo Warar iyo Warbixino ku aadan Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Dhaqanka uga tebiyo Aljazeera Tv.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here