Al-Islaax oo war ka soo saartay Xasan Sheekh oo ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar.

islaax-300x224Ururka Al-Islaax ayaa nasiib daro ku tilmaamay ka qeybgalka madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar Cabdifataax Asiisi.

Guddoomiyaha ururka Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku dhaqaaqay fal aad looga naxo oo khatar ku ah jiritaanka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu ka qeybgalay wax uu ku sheegay caleema saarka dhiig cab yahanka Masar Jeneraal Cabdifataax Asiisi.

Wuxuu sheegay oo kale in dhammaan madaxda caalamka gaar ahaan Africanka iyo kuwa carabta ay qaadaceen ka qeybgalka xafladda maadama uu Siisi dalka xoog ku qabsaday.

Wuxuu sheegay in golaha wasiirada iyo baarlamaanka looga baahan yahay in ay cambaareeyaan tallaabada uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Dr. Cali Baashi ayaa carabka ku adkeeyay in falka uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya in ay aduun weynaha Islaamka gaar ahaan kuwa reer Masar ay ku soo jeedin karaan dadka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa hogaamiyaal caalamka ka socday kuwaasoo ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha Cusub ee Masar.

Cabdifataax Siisi ayaa wasiirka gaashandhigga ka ahaa xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee si sharci daro loo soo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here