Al-ibraahiimi: “Asad door kuma yeelan doono Xukuumada KMG ee Syria loo samayn doono”

Ergayga gaarka ah ee Jaamacada Carabta iyo QM u xilsaaran arimaha Syria. Laqdar Ibraahiimi ayaa meesha ka saaray in madaxweynaha hada kataliya wadanka Syria uu wax door ah ku yeelan doono doowlada cusub ee loo dhisi doono wadankaas, taasoo badali doonta xukunka hada kataliya.

Shir  sanadkii lasoo dhaafay kadhacay magaalada Gineva, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in wadanka Syria loo sameeyo doowlad KMG, islamarikasna ay qayb ka noqodaan qaar kamid ah masuuliyiin katirsan Xukuumada Asad, iyo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada uu dhiiga badan ku daatay ee halkaas ka soconaya.

Ibraahiimi oo wareeysi siinayay wakaalada wararka ee Rueters, ayaa waxa uu yiri “maya, lagama yaabo in madaxweyne Asad uu qayb ka noqdo xukuumada KMG ee loo dhisi doono Syria”.

Ibraahiimi oo ka hadlayay sida uu u arko Khudbadii uu madaxweyne Asad jeediyay isbuucii hore ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Asad hadaladiisa ay kamuuqdeen kuwo sii murjinaya xaalada islamarkaasna ka fog wadahadal iyo xal diblomaasiyadeed.

Ibraahiimi waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiiska Gineva oo xal aasaasi ah unoqon doono Syria, waxa uuna meesha ka saaray in Xalka milatari lagu xaliyo dhibaatada.

“Ma ahan in xalka la gaarsiiyo ilaa 2014 ee waa inuu yimaadaa Sanadkaan 2013” ayuu yiri Ibraahiimi.

Waxa uu hadalkiisa sii daba dhigay isagoo labada dhinac ugu baaqaya tanaasul “waxaan ugu baaqayaa doowlada Syria iyo mucaaradkaba ineey u tanaasulaan xalka wadankooda si loo joojiyo dhibaatada iyo bur burka”.

Ibraahiimi ayaa jimcaha soo socda waxa uu magaalada Gineva kula kulmi doonaa saraakiil sarsaroo ka socota wadamada Mareeykanka iyo Ruushka, waxaana uu kala hadli doonaa sidii loo joojin lahaa dhibaatada Syria, iyo in lasii ambo qaado xalka diblomaasiyadeed.

Mucaaradka iyo doowlada oo is dhaafday maxaabiis:

Dhanka kale dagaalyahanada mucaaradka Syria ayaa sii daayay 48 maxbuus oo u dhashay wadanka Iran, kuwaasoo ay qafaasheen bishii Augosto ee sanadkii hore.

Hay’ad gar gaar oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sheegtay in sii deysmada maxaabiistaan reer iran ay timid kadib markii ay doowlada Syria sii deysay maxaabiis gaaraya 2130.

Mucaaradka Syria ayaa maxaabiistan 48 ee u dhashay dalka Iran ku eedeeyay ineey garab siinayeen doowlada Bishaar Asad, laakiin doowlada Iran ayaa beenisay arintaas kuna sheegtay dadkaan ineey ahaayeen Shiico dooneeysay ineey soo siyaartaan qabriga “Saynab” oo ku yaal koofurta Dimishiq.

Isdhaafsiga maxaabiistaan ee labada dhinac ayaa waxaa gacan weyn ka geystay doowladaha, Turkiga, Qadar iyo hay’ad gargaar oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Doowlada Syria ilaa iyo hada wax war ah kama soo saarin maxaabiistan reer Iran ee Mucaaradka Sii daayeen iyo maxaabiista ay dhankeeda ooda ka qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here