Al Fananaan Axmed Naaji sacad oo 21 sano kadib dalka kusoo laabtay (Dhageyso)

Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Axmed Naaji Sacad ayaa 21 sano kadib kusoo laabtay dalka Soomaaliya isaga oo hada ku sugan magaalada Garoowe.

Axmed Naaji oo ah mu,alif, heesaa, kabaniiste iyo jilaa ayaa soo gaaray todobaadki hore magaalada Garoowe kadib marki lagu casuumay shirka wadatashiga Soomaalida ee ka socda halkaasi.

Warysi uu siiyey BBC-da ayuu kaga war bixiyey ujeedkooyinka uu u tagay Garoowe waxaana  uu yiri: “Waxaan u imid Garoowe shirka roadmap oo  laygu casuumay in aan kasoo jeediyo heeso guubaabo ah,”

Axmed Naaji ayaa tilmaamay in shirka uu kaga qeybgalay heeso isugu jiray wadani iyo laba heer oo uu midna sanadki hore u sameeyey dastuurka hada loo qorayo Soomaaliya iyo hees uu ku amaanay magaalada Garoowe.

“Shirka waxaan kaga qeybgalay heeso wadani iyo wacyi gelin ah iyo heeso ku haboon dastuurka sanad ka hor aniga oo Yamen joogo ayaa leyga codsaday in aan sameeyo hees ku saabsan dastuurka,” sidaa waxaa yiri Axmed Naaji Sacad.

Axmed Naadi ayaa ku adkeystay in aysan ka daalin doonin fanaaniinta sidi ay uga shaqeyn lahaayeen nabada iyo wacyi gelinta umada.

Dhageyso Wareysigii Lala Yeeshay Fanan Axmed Naaji

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2011/12/axmednaji.mp3″]

Anaga fanaaniin baan nahay waxaana xil naga saaranyahay wacyi gelinta umada iyo sidi aan nabada uga shaqeyn laheyn, ilaa waagii leegada ilaa kacaanka ka dhasha waan guubaabineynay waxaanuna aheyn fanaaniin qaran, wixi karaan keyn ah ee nabada ah waan gudbineynaa,”

Axmed Naaji ayaa ka mid ahaa fanaaniinti ugu caansayd Hobalada Waaberi, heesihiisa waxay ka mid yihiin kuwa aanan dhicin ee baalka fiican ka galay fanka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.