Al-fanaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ku geeriyooday Kenya

Allaha u naxariistee waxaa xaley magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Abwaan iyo Fannaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah Abwaaniinta dalka Soomaaliya.

Abwaan Qarboosh ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalo magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Islii.

Abwaanka ayaa u dhintay xannuun ka dis ah oo ku soo booday, taasoo markii dambe uu ugu geeriyooday.
Xannuunka uu u geeriyooday fannaanka ayaa la sheegay in uu ku bilowday naqaska oo ku xirmay iyo xumad, taasoo aaqirkii uu u dhintay.

Meydka Abwaanka ayaa wali yaala Isbitaalka Wood Street ee xaafadda Islii , halkaasoo lagu wado in saacadaha soo socda laga soo qaado, kaddibna aas qaran loo sameeyo.

Qarboosh wuxuu ka tirsanaa kooxdii qaranka ee Danan ee ka soo aas aasantay ururadda dhalinyaradda soomaliyeed.

Wuxuu ahaa heesaa qiiro leh iyo sidoo kale abwaan, wuxuu kaloo ma mid ahaa ragga faraku tiriska ah ee tababar siin jiray xilligii dolwaddii hore ubixii kacaanka ( Carruurta Yareed ee dowladu u carbin jirtay in ay noqdaan isha fanka iyo dhaqanka Soomaalikyeed)

Abwaan Maxamuud Goox QarbooshWuxuu kaalin fiican ka soo qaatay nabadeenta dalka Soomaaliya, wuxuu qaadi jiray heesaha wadaniga ah.

Wuxuu ka mid ahaa fannaaninta ku sugnaa dalka , xiligii burburka laakin mardame 2005-tii waxa u soo wareegay magaalada Nairobi kaddib markii uu ka soo cararay dagaalada iyo colaadda ka taagan Muqdisho.

Waxa uu ahaa mu’alaf , waxa uu xilliyadii dambe sameen jiray heesaha lagu dhiiri galinaayo nabadda iyo horrumarka dalka Soomaaliya.

Waxa uu heeso iyo ruwaayado uu ka sameen jiray xaafadda ay Soomaalida ka degantahay magaalada Nairobi ee Isliil, waxa uu ka mid ahaa abwaanadda iyo fannaaniinta aad loo jeclaa.

Abwaanka ayaa ifka kaga tagay hal xaas iyo shan carruur ah, kuwaasoo hadda ku noo dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here