Al-Amriki oo sheegay in uu ka badbaaday isku day dil

War uu shaley soo dhigay barta Tweeter-ka Cumar Xammami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al-Imriki,ayuu ku sheegya in uu ka badbaaday isku day dil oo ay u geesan rabeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ninkan oo ah Maraykan kana mid ah ajaaniibta ka bar-bar dagaallama Kooxda Al-Shabab ayaa sheegay in la dhaawacay oo uu ka bad-baaday isku-day dil.

Al-Imriki ayaa sidoo kale soo dhigay barta Twitter-ka sawirro muujinaya dhaawac dhinaca qoorta ka soo gaadhay iyo dhiig ka muuqda jirkiisa.

Wuxuu yiri ” Niman bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii qoorta iga toogtay annigoo ku sugan deegaanka Raamo-Caddey oo ka tirsan gobolka Bay. illaah fadligiis waan ka badbaaday waana badqabaa, waxaana qorshahaas soo abaabulay Abuu Zubair.”

Saraakiil ka tirsan Al-Shabab ayaa sheegaya in koox la socotay al-Imriki oo ay ajaanibi ku jiraan ay difaaceen isaga, halkaasi uu ka dhacay is-ka horimaad hubeysan.

Deeggaanka Raamo-caddey ayaa xiisad ay ka taagan tahay u dhaxeysa laba maleeshiyo oo ka tirsan ururka al-Shabaab, waxaana maanta hawada laga saaray khadkii is-gaarsiinta.

Dagaalka waxaa la sheegay inuu ka dhashay dhaawa loo gaystay Abuu Mansuur Al-AmriikI.

Omar Hammami ayaa asal ahaan ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka wuxuu ka mid yahay xubnaha ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya..

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here