Akhriste Ra’yigaaga ka soo dhiibo qoddobkan?

 

Turkiga oo joojiyay dhaqaalaha uu siinayay Somalia
Turkiga oo joojiyay dhaqaalaha uu siinayay Somalia

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midnimo.com sidda intiina badan aad la socotaan, waxaan soo daabacnay maanta warar ku saabsan dowladda Turkiga oo si rasmi ah u joojisay taageeradii maaliyadeed ee ay sida tooska ah u siin jirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in taageerada tooska ah la joojiyay dabayaaqadii 2013, iyadoo aysan jirin warar xaqiijin kara sababta keentay in la joojiyo taageeradii lacageed ee Turkiga siin jiray dowladda Soomaaliya,

Haddaba Turkiga wuxuu mashaariic fara badan ka waday Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid tahay dib u dhiska waddooyinka muhiimka, goobaha taarikhiga ah iyo Isbitaalo.

Maxaa saameyn ah oo ka dhalan karta tallaabadan?

Maxaa sabab u ah in Turkiga uu joojiyo dhaqaalaha uu siinayay dowladda Soomaaliya?

Ma laga yaabaa in Turkiga uu gabi ahaan joojiyo mashaariicda uu ka wado Soomaaliya?

Ma laga yaabaa in waddo kale ay arrintan ka dambeeyaan?

Ma laga yaabaa in Turkiga uu soo celiyo dhaqaalaha uu siinayay dowladda Soomaaliya?

Dhammaan jawaabaha su’aalahan Akhristow hoose ku soo qor? Mahadsanid.

5 COMMENTS

  1. MARKA hore waxaa mahad iska leh illaaheey kadibna waxaan ka shugrinaynaa dowlada turkiya iyo shacabkeeda oo aanan waligeen aana n iloobeyn sababtoo ah waxey naf iyo maalba noo hureen waqti caalamka oo dhan noo yiqiin dhiigya cab, burcadbadeed iyo wadanka caalamka ugu khatarsan iloobi mayno maalintii uu ordugaan iyo xaaskiisa ay ka soo dageen muqdisho imaanshaha urdugaan kaliya ayaa waxoow ka dhigmaa waxweeyn sababtoo ah waa nin aad caalamka sharaf weyn ugu leh wadankiisana kor u qaaday oo gaarsiiyay in ameeriko iyo reer yurub ay ayagu ka dalbaan turkiyo ineey shiraako tijaaro la yeelato sababtoo ah ninkii wadankiisa iyo shacabkiisa wax u qabto cidwalba tusaalo iyo ku dayasho ayoow u noqonayaa ilaahay kor ha u qaado turkiyo waa shacab taariikh dheer ku leh caalamka islaamka maantana bilaabi maayaan in eey muslin iyo maskiin taageeraan waxaan jeclaan lahaa in shacabkeenu uu taariikhda turkiyo si fiican u aqriyo waxaan halkaan ku sheegayaa hal arin oo aad u cajiib badan uguna filan sharaf oo ay sameeysay turkiyo turkiyo waxay saaxiibtinimo tijaaro lalaheed wadanka israa iil oo mar hore ay la gashay waxaa dhacdaY IN ISRAA IIL AY ku duushay magaalada yar ee la yiraahdo QAZA falastiin ka mid ah waxay burburisay magaalada badankeed waxay si waxshinimo ah u gumaaday shacab maskiin ah oo ay awal hore afar sano go doomisay kana jartay cuntadi iyo badroolki waxay dishay 1400 oo qof waxayna dhaawacday 5000 oo qof ordugaan iyo shacabka turkiyo uma dulqaadan arintaas ee waxay ugu jawaabeen ineey saaxiibtinimadi tijaaro u gooyaan iyagoo si cad u yiri dhiiga walaalaheen ayaa ka qaalisan tijaaro turkiyo taariikhdeeda halkaan kuma soo koobi karo waase alle mahadiis in aan qabno walaalo muslinimo darteed noo garab taagan taasi waa taa hadaan u soo noqdo dhaqaalihi ay joojisay oo sidaan maqalnay ah lacagti ay dowlada siin jirtay waxaa dhici kara ineey waqti ugu tala gashay waqtigina dhamaaday waxaa waxaa kaloo dhici kara ineey dareen tay in aan lacagteey bixineeysay si saxa loo maamulin haday waqtigeey ugu tala gashay dhamaaday oo ay sidaas u joojisay waxaa waajib ah in aan dowlad iyo shacaba ka shugrino hadeyse dhibku ka yimid xageena oo wax lakala wareejiyay waxaan dhihi lahaa dowladeey waa inaad turkiyo iyo shacabka soomaaliyaba raali gelisaa sababtoo ah sida deeqsinimada ah ee turkiyo noo garab istaagtay caalamka oo dhan nooma garab istaagin waxaana qalad weeyn ah in hadaan qaldanay aan is dhego tirno oo aan walaalaheena qaaligaa sidaa ku weeyno waxaa la hubaa in eey jiraan dowlado dhan oo ka xumaa sida turkiyo noo garab taagneed marka waa in loo hoydaa turkiyo taasi waa iga talo tan kale waa in aaney dowladu ka sugin faceed in oow waligeed kaalmeeyo ee waa ineey u istaagto sideey kor ugu qaadi laheed dhaqaalaha dalkeena wadankeenu maaha fakhiir waa hodan laakiin waxoow rabaa raganimo iyo wadaninimo isla jira ee yaanan lagu tashan in la sugto musaacado qayrkeen noo keeno waxaan kaloo dhihi lahaa waa in aan kala naqaan dadka sida daacada ah noo garabtaagan iyo dadka maalmahaan dhaw noo yimid ilaaheey aduun iyo aakhiraba haka abaal mariyo turkiyo waxeey noo qabatay shacabkeenana dagaalada iyo duruufaha ha ka saaro aamiin

  2. MARKA hore waxaa mahad iska leh illaaheey kadibna waxaan ka shugrinaynaa dowlada turkiya iyo shacabkeeda oo aanan waligeen aana n iloobeyn sababtoo ah waxey naf iyo maalba noo hureen waqti caalamka oo dhan noo yiqiin dhiigya cab, burcadbadeed iyo wadanka caalamka ugu khatarsan iloobi mayno maalintii uu ordugaan iyo xaaskiisa ay ka soo dageen muqdisho imaanshaha urdugaan kaliya ayaa waxoow ka dhigmaa waxweeyn sababtoo ah waa nin aad caalamka sharaf weyn ugu leh wadankiisana kor u qaaday oo gaarsiiyay in ameeriko iyo reer yurub ay ayagu ka dalbaan turkiyo ineey shiraako tijaaro la yeelato sababtoo ah ninkii wadankiisa iyo shacabkiisa wax u qabto cidwalba tusaalo iyo ku dayasho ayoow u noqonayaa ilaahay kor ha u qaado turkiyo waa shacab taariikh dheer ku leh caalamka islaamka maantana bilaabi maayaan in eey muslin iyo maskiin taageeraan waxaan jeclaan lahaa in shacabkeenu uu taariikhda turkiyo si fiican u aqriyo waxaan halkaan ku sheegayaa hal arin oo aad u cajiib badan uguna filan sharaf oo ay sameeysay turkiyo turkiyo waxay saaxiibtinimo tijaaro lalaheed wadanka israa iil oo mar hore ay la gashay waxaa dhacdaY IN ISRAA IIL AY ku duushay magaalada yar ee la yiraahdo QAZA falastiin ka mid ah waxay burburisay magaalada badankeed waxay si waxshinimo ah u gumaaday shacab maskiin ah oo ay awal hore afar sano go doomisay kana jartay cuntadi iyo badroolki waxay dishay 1400 oo qof waxayna dhaawacday 5000 oo qof ordugaan iyo shacabka turkiyo uma dulqaadan arintaas ee waxay ugu jawaabeen ineey saaxiibtinimadi tijaaro u gooyaan iyagoo si cad u yiri dhiiga walaalaheen ayaa ka qaalisan tijaaro turkiyo taariikhdeeda halkaan kuma soo koobi karo waase alle mahadiis in aan qabno walaalo muslinimo darteed noo garab taagan taasi waa taa hadaan u soo noqdo dhaqaalihi ay joojisay oo sidaan maqalnay ah lacagti ay dowlada siin jirtay waxaa dhici kara ineey waqti ugu tala gashay waqtigina dhamaaday waxaa waxaa kaloo dhici kara ineey dareen tay in aan lacagteey bixineeysay si saxa loo maamulin haday waqtigeey ugu tala gashay dhamaaday oo ay sidaas u joojisay waxaa waajib ah in aan dowlad iyo shacaba ka shugrino hadeyse dhibku ka yimid xageena oo wax lakala wareejiyay waxaan dhihi lahaa dowladeey waa inaad turkiyo iyo shacabka soomaaliyaba raali gelisaa sababtoo ah sida deeqsinimada ah ee turkiyo noo garab istaagtay caalamka oo dhan nooma garab istaagin waxaana qalad weeyn ah in hadaan qaldanay aan is dhego tirno oo aan walaalaheena qaaligaa sidaa ku weeyno waxaa la hubaa in eey jiraan dowlado dhan oo ka xumaa sida turkiyo noo garab taagneed marka waa in loo hoydaa turkiyo taasi waa iga talo tan kale waa in aaney dowladu ka sugin faceed in oow waligeed kaalmeeyo ee waa ineey u istaagto sideey kor ugu qaadi laheed dhaqaalaha dalkeena wadankeenu maaha fakhiir waa hodan laakiin waxoow rabaa raganimo iyo wadaninimo isla jira ee yaanan lagu tashan in la sugto musaacado qayrkeen noo keeno waxaan kaloo dhihi lahaa waa in aan kala naqaan dadka sida daacada ah noo garabtaagan iyo dadka maalmahaan dhaw noo yimid ilaaheey aduun iyo aakhiraba haka abaal mariyo turkiyo waxeey noo qabatay shacabkeenana dagaalada iyo duruufaha ha ka saaro aamiin

  3. WAXAAN U MAHADCELINAYAA DOWLADDA IYO SHACABKA TURKIGA. WAAYO AAD AYEY NOOGU SOO GURMADEEN XILLI AAN UBAAHNEYN. MAANTASE HADDII AY YIRAAHDAAN WAAN JOOJINNAY WAAN SOO DHAWEYNAYAA. WAAYO MARKII HOREBA CIDNA KAMA SOO QASBIN. LAAKIIN WAXAAN DHIHI LAHAA DOWLADAN TAAGTA DARAN WAAYO ARAGNIMO HAKA QAADATO. OO HAKA HORTAGTO MASUQMAASUQA KEENAY IN TURKEY AY XANNIBTO DHAQAALIHII AY SIIN JIRTAY. HADDII AY KAHORTAGTANA WAA AY SOOCELIN DOONTAA

  4. Halaga joojiyo. Waa arin wanaagsan. Turkiga xoolo Soomaali uma aysan dhiiban ee waxa ay Somalia siinayeen tabarucaad ayey ka aheyd ee hadey joojiyeen waa xoolahooda. Marka Soomaalida intey tuukista iska dhaafaan, ha shaqeystaan oo beeraha ha fashaan oo ha xamaashaan oo muruqooda ha maashaan oo gacma hoorsiga ha joojiyaan.

  5. Warbal idinku qoraalka saxa su’aalaha kasokoow. Waxaa Turkiga uu joojiyay waa lacagti cashka aheeyd uusiin jiray dowlada balse heey adaha kasocda Turkiga sida TIKA, Turkizilay[bisha cas], Yardimeli, City of Istanbul, TOKI, dhamaan howshi eey wadeen sida dayactirka laamiyada, disida schoolada iyo isbitaalada iyo iwm sideedii ayeey usii soconeeysaa oo wax isbadal ah kum imaaneeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here