AKHRISO: Wasiirada Maamulka K/Galbeed Somaliya oo la magaacabay & Qabiiladooda Qaar

shariif xasan adaanMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu galabta ku dhawaaqay 20-ka Wasiir ee Maamulkiisa ka mid noqonaya iyadoona Siyaasiyiin dhowr ah ay kasoo dhex muuqdeen Wasiiradaasi uuna ka mid yahay C/llaahi Shiikh Xasan oo Muqdisho iyo Somaliya laga yaqaano.

Wasiirada La Magacaabay Ayaa Waxay Kala Yihiin:-

1- C/fitaax Ibraahim Geesay Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga, (Mirifle/ Leysaan).

2- Xasan Xuseen Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hub ka Dhista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka, (Mirifle/Yantaar).

3- Saalim Xaaji Xasan Cismaan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta, (Digil/waxa uu ka yahay Weli Ma heyno).

4- C/qaadir Shariif Sheekhunaa Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, (Digil/Tunni).

5- Cabdinaasir Cabdi Caruush Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, (Hawiye/ Habargidir/ Ceyr).!!!

6- Isaaq Cali Subug Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Caafimaadka,(Mirifle/Jaroon).

7- Saadaad Maxamed Nuur Cali Caliyow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta,(Mirifle/Eelaay).

8- Xasan Ibraahim Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hiddaha, Tacliinta Sare iyo Ticnoolijiyadda,(Weli Ma heyno).

9- Xasan Cabdi Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinra Bulshada,(Mirifle/Macalinweyne).

10- Maxamed Cumar Zeytuun Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta,(Weli Ma heyno).

11- C/laahi Cabdi Cumar Fanax Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga,(Hawiye/Wacdaan Cismaan).

12- Aadan Xasan Maxamed “Usama” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha,(Mirifle/Dissow).

13- C/laahi Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha,(Hawiye/Abgaal/Daa’uud)!!!

14- Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha,(Weli Ma heyno).

15- C/qaadir Nuur Caraale Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka,(Hawiye/Murusade/Foorculus)

16- C/laahi Muuse Abuukar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada,(Weli Ma heyno).

17- Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta,(Hawiye/Gaaljecel)

18- Macalin Maxamuud Maxamed “Macalin Jiis” Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Daaqa, (Digil/Shanta-caleemood)

19- Axmed Maxamed Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,(Weli Ma heyno).

20- Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha,(Weli Ma heyno).

Inkasta oo ay dhiman yihiin Wasiiro Ku-xigeenada, hadana dadka Reer Baydhaba waxay iswaydiinaya sababta dad aan u dhalan Deegaanada Seddaxda Gobol loogu magacaabay Wasiir.

Waxaa soo baxeysa durba dad kasoo horjeestay qaabka loo magacaabay Wasiirada Cusub ee Maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

 

2 COMMENTS

  1. Shabeelaha Hoose; dadka dega waxaa laga rabey in xooga wasiiradda wax loogu daro, habar gidir waxaa uGu jiro oo keliyah waa hal qof.? umadda shabelaha hoose degto maadama lagu darey 3da gobol waxa habooneyd iney wax ka helaan jagooyinka. Haddii kale Shabeelaha Hoose noqdo gobol iskiisa u madax banaan. Maadaama uu yahay Gobol weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here