Akhriso: Wargeysyada Yurub iyo wararkii ay ka qoreen kooxaha dunida

Wargeysyada36

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midimo.com, waxaan u soo gudbineynaa qodobo xiiso badan oo ay ka qoreen Wargeysada calamka.

Aan ku billowno : Manchester City oo la soo wareegeysa  Sergio Ramos

Wargeyska Sunday People ayaa qoray Axada maanta ah Manchester City in ay raadineyso difaac xooggan , waxaana ay u aragtaa in booskaas uu buuxin karo Sergio Ramos oo ka tirsan Real Madrid.

Tababbarre Manuel Pellegrini ayaa laga xigtay isagoo leh waxaan diyaar la nahay €39 million oo u dhiggan (£32.5m) si loo helo xidigga reer Spain.

Balse Real waxa ay lee dahay haddii aan safaxeeno Ramos waa in la diyaariyaa €49m oo u dhiggan (£41m)

Sir Alex Ferguson oo isku dayay in uu Alexis Sanchez keeno Manchester United
            
Sida uu qoray Sunday People, Tababbarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa labo jeer ku sigtay in uu la soo wareego Alexis Sanchez oo hadda u cayaara kooxda Barcelona.

Balse Ferguson  ayaa sheegay isku daygaas in uu socon waayay ee ku aadan in ay la soo wareegaan xidiggan reer  Chile.

Pellegrini oo doonaya Julio Cesar in uu keeno Manchester City
            
Wargeyska Daily Telegraph, ayaa qoray in tababbaraha kooxda Manchester City,  Manuel Pellegrini uu doonayo goolhayaha kooxda QPR Julio Cesar.

Kooxda ka dhisan Garoonka Etihad ayaa xidigga reer Brazil rabta bisha January si ay ugu badasho Joe Hart.

Arsenal & Borussia Dortmund oo ku dagaalamaya Dzeko

Wargeyska Daily Star ayaa qoray in kooxaha Arsenal iyo Borussia Dortmund ay ku hardamayaan siddii ay ula soo saxiixan lahaayeen Edin Dzeko oo ka tirsan kooxda Manchester City.

Weeraryahankan ayaa ka tagaya garoonka Etihad bisha January. kooxda ka cayaarta horiyaalka Bundesliga ayaa dooneysa in Dzeko ay ku badali doonto Robert Lewandowski.

Real Madrid oo rabta Suarez  iyo Aguero

Wargeyska Daily Star ayaa qoray Axada maanta ah in kooxda Real Madrid ay dareenkeeda u soo jeedisay weerar yahanka Manchester City Sergio Aguero kaddib markii ay ka niyad jabtay Luis Suarez oo ka tirsan Liverpool.

Kooxda Los Blancos ayaa isku diyaarineysa €54 million (£45m) si ay ula soo wareegto xidigga reer Argentine.

Ugu dambeyn Man Utd  Baines in January

Wargeyska Daily Mirror  ayaa qoray Manchester United in ay ugu dambeen soo gabagabeesay la soo wareegitaanka xidiiga ay muddada dheer ay soo raadineysay Leighton Baines kaasoo bisha January laga soo bixin doono £16 million.
Source: Daily Mirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here