Akhriso Wargeysyada wax yaabaha ay ka qoreen Sports-ka

Wargeysyada36Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midnimo.com, waxaan u soo gudbineynaa qoddobaadii ugu waaweynaa ee wargeysyada adduunka ka qoreyn saakay dhinaca cayaaraha.

Aan ku billowno: Arsenal & Chelsea oo isku heesta Dani Alves              

Wargeyska Daily Express, ayaa qoray kooxda Barcelona ay iska diri doonto Dani Alves xilli cayaareedkan.

Cayaaryahanka 30-jirka ayaa isku heesta kooxaha Arsenal, Chelsea, Manchester City iyo Manchester United.

Inter oo ku rabta €24m Torres  

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray Sabtida maanta ah in kooxda Inter Milan ay bartilmaameesanayso weerar yahanka kooxda Chelsea, Fernando Torres.

Cayaaryahanka reer Spain haddii uu ku biiryo waxa uu halkii toddobaadkan u qaadan doonaan adduun lacageed oo gaaraya €180,00, sidoo kale heshiiska waxaa ku jirra Nemanja Vidic oo isna tagaya San Siro.

Dortmund oo ilaalsaneysa Hahn      

Wargeyska Express ayaa qoray in kooxda BVB ay ku soo biirtay Gladbach la soo wareegitaanka Andre Hahn oo u cayaara kooxda Augsburg.

Cayaaryahanka dheereeye ee garabka ka cayaara ayaa dhaliyay 10 gool shan kulan oo uu saftay kooxd, waxaana ku qanacsan yahay qaab cayaareedka 23-jirkan tababbarraha kooxda qaranka Joachim Low oo ku soo daray cayaartii Jermalka iyo Chile.

Liverpool iyo Arsenal oo ku dagaallamaya Lopez

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray Jimcihii shaley in kooxda Liverpool ay kula soo biirtay Arsenal la soo wareegitaanka xiddig yerahaha Marseille ee Maxime Lopez.

Cayaaryahankan oo 16-jir ah ayaa si weyn uga soo baxay horiyaalka Faransiiska.

Real Madrid oo bartilmaameesanaysa cayaaryahan da’ yer

Bogga Todo Mercado Web, ayaa qoray in Matyas Tajti,  oo ah 15-jir una dhashay dalka Hungary uu ka mid noqday cayaartoyda ay bartilmaameesaneyso kooxda Real Madrid.

Waa mid ka mid ah cayaartoyga ugu wanaagsan ee ka soo baxay Puksas Academy.

PSG oo miiska soo saartay €78m si ay u hesho Pogba

Wargeyska Tuttosport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, ayaa qoray in kooxda Paris Saint-Germain ay aad ugu kulashay la soo wareegitaanka cayaaryahanka qadka dhexe uga cayaara Juventus, Paul Pogba.

Cayaaryahanka reer France ayaa diyaar loola yahay adduun lacageed  €78 million.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here