Akhriso: Wargeysyada iyo wararkii ugu dambeeyay oo ay ka qoreen cayaaraha

Wargeysyada36

Maalin Wanaagsan dhammaan akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midnim.com, waxaan idiin wadnaa wararkii ugu dabeeyay ee Wargeysyada caalamku ka qoreen cayaaraha.

Aan ku billowno: Milan oo ku biirtay kooxaha doonaya Koke

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa qoray maanta oo Isniin ah AC Milan in ay ku soo biirtay kooxaha daneenaya xidigga Atletico Madrid ee Koke.

Kooxda Talyaaniga ayaa u soo bandhigtay 21-jirkan qadka dhexe ka cayaara adduun lacageed €4 million oo uu qaadanayo halkii xilli cayaareed.

Barca oo indhaha ku heysa Otamendi & Jackson Martinez

Jariirrada A Bola ayaa qortay maanta oo Isniin ah, Barcelona siddii ay u heli lahayd difaaca 25-jirka ee Nicolas Otamendi iyo weerar yahanka 27-jirka ee qadka dhexe kuwaasoo kawada tirsan  Porto.

Falcao oo isku dhaceen with Ranieri

Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Fransiiska ayaa qoray Isniinta maanta ah in tababbaraha Monaco, Claudio Ranieri ay isku dhaceen xidigga sRadamel Falcao kaddib markii la bixiyay daqiiqadii 63-aad cayaar habeenkii xaley.

Wargeyska ayaa sheegay in cayaaryahanka reer Colombia iyo tababbarihiis Talyaaniga in ay isku dhaceen oo ay hadda is salaamin.

Napoli oo dooneysa Gonalons

Jariirada Tuttosport ayaa qortay kooxda Napoli ee dalka Talyaaniga ay aad u xiiseeneyso difaaca 24-jirka ee u cayaara Lyon, Maxime

Morata oo u dhow in uu wareego Tottenham

Wargeyska La Gaceta ayaa qoray weerar yahanka kooxda Real Madrid, Alvaro Morata in uu heshiis hor dhac ah uu la gaaray kooxda Ingiriiska Tottenham.

Cayaaryahankan ayaa si rasmi ah ugu wareegi doona garoonka Spars-ka bisha January xillgaas oo uu furmaayo suuqa cayaartoyda Yurub.

Ugu dambeyn: Juve iyo Atleti oo ammaah ku doonaya  Mata

Sida uu qoray Wargeyska Sunday People, kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid ayaa qaab amaah ah ku doonaya Juan Mata kaasoo la sheegay in uu ka tagayo bisha January kooxda Chelsea.

Cayaaryahanka reer Spain ayaa ka walwalsan in uu boos ka waayo koobka aduunka sannadka dambe, marka waa in uu helaa meel uu isku soo bandhigi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here