Akhriso Wararkii ugu dambeeyay Wargeysyada ka qoreen Cayaaraha.

Sport-section-cover-001Akhristayaasheenna sharrafta leh, meel walbka oo aad aduunyada ka joogtaan waxaan idiin lee nahay Jimco wanaagsan.

Waxaan idiin wadnaa wararkii ugu dambeeyay ee Wargeysyada caalamka ka qoreen arrimaha Ciyaaraha, iyadoo suuqa ciyaararaha Yurub uu xirmay.

Qaar ka mid ah kooxaha Yurub waa ay ka faa’ideesteen oo cayaartoy iyo tabbabarayaal cusub ayey durba la yimaadeen.

Aan ku billowno maanta qoddobka ugu horeeya Baines oo raba in uu wareego Man Utd

Sida uu qoray Jimcaha maanta ah Wargeyska The Independent, Difaaca Everton, Leighton Baines ayaa ku dedaalaya in uu u wareego kooxda Manchester United.

Ciyaaryayahanka reer England ayaa la kulmay maamulihiisa Roberto Martinez wuxuu ka codsaday in loo oggolaado in uu ku biiro kooxda uu leeliyo tabbabarihiisii hore David Moyes.

Tottenham oo £15m ku dooneyso Chicharito

Wargeyska Daily Mirror oo warbixintan qoray ayaa leh, naadiga Tottenham ayaa dooneysa in ay la soo wareegto weerar yahanka kooxda Manchester United, Javier Hernandez.

Spars-ka ayaa hadda xidigga reer Mexico ku dooneysay adduun lacageed oo gaaraya £15 million.

Newcastle oo beegsaneysa B

Wargeyska Daily Mirror, ayaa qoray Khamiistii shaley in kooda Newcastle ay damacsan tahay in ay kala soo wareegto Chelsea weeraryahanka Demba Ba back.

Kooxda Newcastle ayaa ku rabta xidiggan £7 million, waxaana dedaal ugu jirra ciyaaryahankan in la keeno garoonka SJ Back, tabbabare Alan Pardew.

Di Maria & Ozil to oo diidday in ay u wareegaan Arsenal

Wargeyska Daily Mail, ayaa shaaca ka qaaday in xidiggaha Angel Di Maria iyo Mesut Ozil ay ku gacan seereen in ay uu wareegaan kooxda  Arsenal.

Labadan ciyaartoy ee u cayaara Real Madrid ayaa la sheegay in uu mugdi soo galay mustaqbalkooda.

Manchester United oo £30m ku rabta Luiz

Wargeyska Daily Mirror, ayaa daboolka ka qaaday in Manchester United ay hadda diyaar la tahay siddii ay £30 million ula soo baxaan difaaca dhexe Chelsea David Luiz.

Wargeyska ayaa leh heshiiskan waxaan qayb ka ahayn Wayne Rooney.

Ozil oo dalbaday mushaarkiisa in la gaarsiiyo €230k si uu ugu ambabaxo horiyaalka Premier League-ga

Jariirrada The Sun, ayaa sheegtay Jimcaha maanta in xidigga qadka dhexe ee Real Madrid, Mesut Ozil uu dalbaday in la siiyo €230k-halkii toddobaad, haddii uu doonayo in uu ku biiro midkood kooxaha Arsenal ama Manchester United.

Qoddobka ugu dambeeye maanta waa Ajax oo ku gacan seertay dalab uga yimid Spurs oo ku aadan Eriksen                                

In Wargeyska De Telegraaf, ayaa qoray in kooxaha Ajax iyo Tottenham ay lee yihiin wadahadal ku saabsan cayaaryahanka Christian Eriksen.

Markii horre kooxda Spars-ka waxa ay soo bandhigtay €8 million waa laga diidday , haddana kooxda Dutch-ka waxa ay codsatay in la siiyo €15 million si ay u fasaxdo ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer  Danish-ka, kaasoo heshiiskiisa uu dhammaanayo xilli ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here