Akhriso Wararka ciyaaraya iyo Wargeysyada

corriere-29-620x350Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Shabakadsa Midnimo.com, waxaan u heynaa maanta oo Axad ah warbixinadii ugu dambeeyay ee Wargeysyada ay ka qoreen ciyaaraha Yurub.

Aan ku billowno Rooney oo loo soo badhigay heshiis cusub

Wargeyska Daily Telegraph ayaa qoray Axada maanta in kooxda Manchester United ay u soo bandhigtay Wayne Rooney heshiis cusub, si ciyaaryahanka uu si joogo kooxda.

Weeraryahanka reer Egland ayaa heshiiskii uu ku eg yahay sannadka 2015.

Wenger oo heshiis cusub la galaayo Arsenal

Wargeyska The Sun ayaa qoray Axada maanta ah in tabbabare Arsene Wenger loo gacan galin doono £15 million, si uu u saxiixo heshiis cusub oo u la joogayo Arsenal.

Tabbabaraha reer France ayaa suuqa la tagay £40m bishii January, isagoona dhawaan la soo wareegay ciyaaryahanka reer Germany Mesut Ozil.

Benfica oo lala xiriirinaayo Laudrup

Wargeyska Daily Mirror ayaa qoray Axada maanta ah in kooxda Benfica ay liiska ku darsatay Michael Laudrup iyo Gus Poyet kuwaasoo u tartamaya kooxda reer Portuguese.

Barcelona oo beegsaneysa Courtois

Wargeyska Sport, ayaa qoray in kooxda Barcelona ay rajo fiican ka qabto in badasho Victor Valdes, kaasoo la sheegay in uu ka tagaayo kooxda dhammaadka xagaagga.

Kooxda horiyaalka Spain ayaa beegsaneysa Thibaut Courtois,kaasoo ka tirsan kooxda Atletico Madrid.

Inter oo idhasha ku heysa Fernand

Wargeyska La Gazzetta dello Sport, ayaa qoray Inter in ay qoreyso in ay la soo wareegto xidigga qadka dhexe ee kooxda Porto Fernando kaasoo ku socda garoonka San Siro bisha January.

Xidigga reer Brazil ayaa heshiiskiisa uu ku egyahay xagaaggan, balse waxaa Inter kula loo lameysa kooxda Everton.

Man City oo amaah ku rabta Guidetti

Wargeyska Daily Mail, ayaa qoray Axada maanta ah in kooxda Manchester City  have rejected a loan offer from Trabzonspor for John Guidetti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here