Akhirso wararkii ugu dambeeyay ee Wargeysyada ay ka qoreen ciyaaraha.

corriere-29-620x350Akhristayaasheenna sharrafta la how waxaan idiin leenahay meel kasta oo aad ku sugan tihiin Ramadaan Kariim.

Intaas kaddib waxa aad ku soo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee wargeysyada adduunyada ka qoreen dhinaca ciyaaraha.

Aan ku billowno Wargeyska Marca ee ka soo baxa dalka Spain ayaa qoray in Ronaldo uu la gaaray hesiish cusub Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayaa dib u cusbooneesiyay heshiiska uu kula joogo kooxda Real Madrid, wuxuu saxiixay illaa sannadka 2018 isagoona heli doona aduun lacageed €17 million sannadkiiba, wuxuu noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan ee ka ciyaara dalka Spain.

Rooney oo codsaday in la fasaxo

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, kooxda Manchester United ayaa u dhow in ay fasaxdo  Wayne Rooney kaddib markii uu shaley aroortii la kulmay tabbabarihiisa David Moyes.Ciyaaryahanka reer England  ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo kooxda Daily Mail

Besiktas oo rabta Defoe

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in kooxda Turkiga Besiktas ay aad u baadigoobeyso weerar yahanka kooxda Tottenham, Jermain Defoe.

Kooxda Turkiga ayaa dhawaan heshiis la gaartay xidigga Emmanuel Adebayor.

Downing wuxuu ku bixi karaa £5m

Wargeyska Guardian ayaa qoray Talaadada maanta ah Stewart Downing in uu ku bixi karo Liverpool £5 million ka hor inta uusan xirmin suuqa Yurub.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa la sheegay in uu ku dhow yahay in uu wareego kooxda Newcastle United .

Liverpool oo iibineysa Skrtel

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in kooxda Liverpool ay isku diyaarineyso in ay iska iibiso Martin Skrtel xaggagan.

Ciyaaryahankan waxaa bartilmaameesanaya tabbabarihii hore ee Anfield Rafa Benitez, waxaana kooxda Napoli ay dooneysaa ciyaaryahan daafac dambe.

Xabi Alonso oo heshiis cusub la gaaraya Madrid

Wargeyska AS ayaa qoray in kooxda Real Madrid ay heshii cusub la gaareyso Xabi Alonso.

Madaxweynaha kooxda  Florentino Perez ayaa laga soo xigtay in ay diyaar la yihiin hal sanno oo heshiis cusub oo ay la gaaraan Xabi Alonso.

Xidigga qadka dhexe heshiiska uu kula joogo Santiago Bernabeuhe wuxuu dhacayaa sannadka 2014-ka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here