Ajaanib Faafineysay Diinta Kirishtanka Oo Lagu Qabtay Libya

Masuuliyiinta amaanka dalka Libya ayaa sheegay in Cidiamada amaanka ay gacanta ku dhigeen 4 ruux oo ajaanib ah kuwaasoo la arkay iyagoo faafinaya diinta Masiixiga islamarkaasna daabacaya Kutubo Baybal ah, gaar ahaan magaalada labaad ee ugu weyn wadankaas “Bangazi”.

Al-xusein Bin Xamiid, oo ah afhayeenka Ciidamada amaanka Bangazi ayaa wakaalada wararka Rueters u sheegay in Talaadadii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen rag gaaraya ilaa 4 oo ajnabi ah kuwaasoo daabacayay kumanaan kutubada Baybalka ah.

Xamiid, waxa uu sheegay faafinta diinta Masiixiyada in Liibiya uu ka yahay danbi aad u weyn, waxa uu sheegay in dadka wadankaas ay ubadanyihiin Muslimiin arintaana ay wax u dhimeyso amaanka wadanka.

“Afarta qof ee la qabtay waxay u kala dhasheen wadamada, Masar, South Afrika, Kuuriya iyo Sweden, dhamaantoodna waxay wateen dhalashada wadanka Mareeykanka” ayuu Xamiid usheegay Reuters.

Wadanka Libya ayaa hada leh doowlad KMG ah oo aan saldhigan, waxayna badanaa ku tiirsantahay kooxo maleeshiyaad ah, waxana mararka qaar ka dhaca dagaalo beeleedyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here