Air Uganda oo ku guuleesatay koobka xiddiggaha kubadda kolayga

103

Kooxda wiilasha Air Uganda ayaa hantay koobka xiddiggaha kubadda kolayga oo dhawaanahan ka socday garoonka halyeey Aadan Xaaji Yabarrow Wiish (Ex Luujino) ee ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Koobka oo ay ka qaybgaleen ilaa afar koox oo ka ah: Air Uganda, Global Hotel, Leedo See Food iyo Bilan Printing, waxaa cayaartii ugu dambeesay isugu soo haray kooxaha Air Uganda iyo Global.

Cayaarta oo aad u xiiso badneed ayaa labada koox waxa ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleedahay, waxaana garoonka joogay dadweyne fara badan.

Labada koox ayaa muujiyay karti iyo dedaal waxaana mid kasta uu doonayay in uu ka badiyo kan kale, aakhirkii waxa ay ku dhammaatay 65 iyo 45-dhibcood, waxaana sidaas guusha ay ku raacday kooxda Air Uganda.

Garoonka waxaa joogay oo cayaarta daawanayay mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga, waxaana ka mid ahaa Xoghayaha GOOS Duraan Faarax, Ibraahim Xuseen Roombe,oo ah xubin Goos ah iyo gabdhihii hore ee qaranka kubadda kolayga Soomaaliya Mulki Nuur Muudeey iyo Nasro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here