Ahmadi Najad: “Srael waxaa ku jirta rabitaan caruurnimo oo ah ineey Iiran soo weeraraan”

Madaxweynaha doowlada kacaanka Iiran Maxamuud Axmadi Najad oo maalinkii shalay ahaa hadlay ayaa sheegay in doowlada Srael uu ku jiro rabitaan caruurnimo kaasoo ah ineey dooneeyso weerar ay Kusoo qaado Iiraan, laakin waxa uu ku goodiyay iney awoodaan iskadifaacida weerar kastoo kaga imaada Yuhuuda.

Najaad oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Pakistan ee Islaam-abaad ayaa sheegay ineey Iiran ay lasocoto in Srael ay mudaba dooneeysay dhibaateeynta shacabka Iiran, laakiin fursadaas ay sugayaan, waxa uu sheegay in Iiran aysan dooneen ineey weerar ku qaado qof laakiin ay taqaano sida laysku difaaco.

“Marnaba ma aqbali doono gardarada Srael, waxa ay ku talo jiraan ineey soo weeraraan Iiran, laakiin rabitaankaas waa mid caruurnimo” ayuu yiri madaxweyne Najaad.

Srael ayaa waayadaanba waxaa jirtay warar soo baxay oo sheegaya in ay dooneeyso ineey weerar gaadmo ah ku qaado warshadaha Nuclear-ka sameeya ee Iiraan, taasoo Srael ay aaminsantahay ineey tahay qatar kusoo fool leh mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here