Ahlusunna oo Kala Dhexgashay Beelahii ku Dagaalamay Bangeelle

Kadib markii maal mahii lasoo dhaafay ay deegaanka Bangeelle ee gobolka Galguduud ka dhaceen dagaallo u dhexeeyo beello isku deegaan ah ayaa maamulka Ahlusunna waxa uu shaaciyey in uu ku guulaystay kala dhex galka beelahaasi.

Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee gobolada Dhexe ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaay in ay ku guuleysteen joojinta colaad u dhexeysay labo beelood oo walaalo ah oo ku dagaalantay deegaanka Bangeelle.

Dagaalkaasi dhexmaray beelaha walaalaha ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 13 ruux.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka hadlay qaabka ay u joojiyeen colaadaasi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka qaadatay joojinta colaadaasi.

Sheekh Xeefow ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Ahlu Sunna uu istaagay joojinta colaadaasi isla markaana uu xusay in ay rajeynayaan in colaadaasi ay noqon doonto tii ugu dambeysay.

Deegaanka Bangale ee gobbolka Mudug ayaa waxa ku dagaalamay labo beelood oo walaalo ah oo ka soo kala jeeda deegaanada maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here