Ahlusunada Gedo oo Al-Shabaab Digniin u Dirday

Wararka aanu ka heleyno  gobolka Gado waxaa ay sheegayaan in ururka Ahlu Sunna  ee ka arimiya halkaasi ay ku amreen Dadka ku dhaqan gobolkaasi gaar ahan kuwa dariska la ah ama ka agdhaw Shabaabka ku sugan qeybo kamid ah gobolkaasi in ay ka ag fogaadaan .

Afhayeenka Ahlu-Sunnah ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa Sheegay in Shacabka uu kula talinayo in ay isaga fogaadaan Saldhigyada Mileeshiyaadka Al-Shabaab ee degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo maadaama Saldhigyada kooxdaasi Weeraro lala beegsanayo isla markaasina Maamulka Ahlu suna  uu ka baqanayo in ay qasaaro ka soogaaraan Dadka Shacabka ah .

Waxaa u tilmaaamy in qoshaha uu yahay in Shabaabka ku sugan Baardheere iyo  sidoo kele Deegaanno kale oo ay ku sigan yihiin Shabaab in weerarro cirka iyo  Dhulka ah lagu qaado  sida uu shaaciyay .

Waxaa uu Al-Qaadi sheegay in shabaabka Gado ay ku weerari doonaan saldhig waliba ooay leeyihii  isla markasina shacabka  ay ka Maamul ahaan ugu baaqayaayn in ay arintaasi ka taxadaraan oo ay ka fogaadaan  Shabaabka ku sugan Gado.

Hadalkan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadooshalay Ruux Shabacab ah oo si aad ah looga yaaqanay degmada Baardheere kaasi oo sida la sheegy dilkiisa ay ka dambeeyeen Rag ka tirsan Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here