Ahlusuna oo Weeraradii Ugu Dambeyey ku Qaadeysa Al-Shabaabka Kusugan Buula-Burte

Adan Cabdulle Cawaale oo ka mid ah saraakiisha Ahlusuna Waljameeca ayaa waxa uu sheegay inay amar ka sugayaan kaliya dawlada Cusub ee somaliya si ay weerar ugu qaadaan deegaanada Al shabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Cawaale Waxa uu sheegay in Al shabaab ay hadda kusugan yihiin deegaano ay ka mid tahay Degmada Buula burte ayna iminka doonayaan amar ay siiyaan madaxda dawlada si ay uga sifeyaan shabaab.

“Waxaa amar ka sugeynaa madaxda dawlada Somaliya,si aan uga xoreyno al shabaab deegaanada kaga sugan yihiin gobolka hiiraan ayuu yiri adan cabdulle Cawaale”.

Sargaalkaan katirsan Ururka Ahlusuna ayaa usheegay Midnimo.Com  in mar walbo ay la shaqeyn doonaan dawlada cusub ee Somaliya iskagana caawin doonaan la dagalaanka Al shabaab.

“Waxaan isleeyahay waqtiga alle aya xagiisa uu ka qoran yahay hayeeshee waxaan sugnaa waa in amar nalagu siiyo inaan weerar ku qaadno deeganada al shabaab joogaan ayuu yiri Adan Cawaale”.

Sikastaba ha’ahaate hanjabaaada kasoo baxayso Ahlusuna ayaa imaaneysa xilli deegaano katirsan gobolka hiiraan ay kusugan yihiin Ururka Al shabaab oo dagaalo udhaxeeyaan Ahlusuna,Al shabaab iyo ciidamada Dawalda Somaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here