Ahlusuna oo ku dhawaaqday in ay maamul goboleeed madax banaan u dhisi doonto gobolka gar gaduud

Kulan heer sare loo soo agaasimay oo ay iskugu yimaadeen madaxda sare ee ururka Ahlusan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka gal gaduud kulankaas oo looga hadlayay sidii maamul goboleed madax banaan looga sameyn lahaa deegaanada ey ka taliyaan ahlusuna.

Kulanka Ahlu suna oo ah mid albabadu u xiran yihiin Saxaafaduna ay dibad jog ka tahay ayaa waxaa uu uu barqadii maanta ka bilawday Hotel ku yaala magaaladaasi waxaana ilaa hada lagu lafa gurayaa qaabka ugu wacan ee Maamul goboleed ay usameysa karto ahlu suna deegaanada ay maamusho .

Masuuliyiin u hadashay Ahlu suna oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Ahlu Suna ay Aqoonsan tahay Maamulka Dowlada ee Gobolka gal gaduud loo dhisay hase ahaatee ay doonayaan in ay dhistaan Maamul Goboleed dowlada ka madax banana oo ula macaamila sida maaamulada kale ee dalka ka jira

Sikastaba Dowlada ayaa dhawaaan waxaa ay maamul umagacaawday Gobolka Gal Gaduud kaas oo madax looga dhigay Masuuliyiintii ahlu suna ee gobolkaaas iyadoo ay soo dhaweeyeen Maamulka Ahlu Suna ee halkaa horay uga ariminayay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here