Ahlusuna oo gacanta ku dhigtay (Liibaan Madaxweyne) asigoo dhaawac ah

ahlusnalogo2Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb, ayaa sheegaya in xoogaga Ahlusuna ay dib ula wareegeen magaalada, Islamarkaasina ay gacanta ku dhigeen (Liibaan Madaxweyne) oo ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamada ka horjeeday, asigoo dhaawac ah.

Dhanka kale ciidamadii uu watay (Liibaan Madaxweyne) iyo kuwii Galmudug ayaa lagu soo waramayaa ineey isaga baxeen magaalada, ayna ku suganyihiin meel duleedka ka ah.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa dhimatay ku dhowaad 30 qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka labada dhinac dhex maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here