Ahlusuna oo Farta ku Fiiqday dadka ka Dambeeya Dilalka Wariyeyaasha Somaliyeed (Yey ku eedeeyeen?)

Iyadoo shalay oo jimco ahayd loo dabaal dagayey maalinta la dagaalanka dambiyada aan la isku ciqaabin ayaa hadana waxay saxafiyiinta somaliyeed la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo cid wax iska weydiisa jirin.

Sh.Mahad Khaliif Rooble oo ka mid ah saraakiisha Ururka Ahlusuna ayaa si kulul waxa uu ucambaareeyey dilalka iyo dhibaateynta lagu hayo saxafiyiinta Somaliyeed isagoona ku tilmaamay wariyeyaasha mid bulshada indho u’ah.

Mahad Khaliif Rooble ayaa sheegay inay ku eedeeynayaan dhibaatada loogeysanayo dilalka saxafiyiinta somaliyeed inay ka dambeeyaan ururka Al shabaab.

“Mahad ahaan iyo qaar kaloo bulshada ah waxya dareensan yihiin in nimanka la baxay ururka Al shabaab inay dilaan wariyeyaasha somaliyeed ayuu yiri mahad khaliif Rooble”.

Sargaalkaan katirsan Ururka Ahlusuna Waljamaaca ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyey afar sano kadib markii ahlusuna kala wareegeen inta badan gobolka G/gaduud Ururka Al shabaab.

Sh.Mahad Khaliif Rooble ayaa sheegay in hormar dhinaca amniga,wacyi gelinta iyo ballaarinta adeega bulshada ay ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka G/gaduud muhiimada ugu weyna ay tahay in laga adkaaday sida uu yiri al shabaab.

Ahlusuna Waljaamaca oo ka mid dariiqada suufyada ayaa qoryaha qaatay sanadkii 2008-dii bilowgeedii markii al shabaab meelo ay qabuuro culimada ahlusuna kuwoodii waa weynaa dib usoo faageen dagaalna sidaa ku bilowday.

Inkastoo deegaano badan Al shabaab iyo Ahlusuna isku fara saareen hadana waxa uu umuuqdaa in dagaalkii dhinacaasi ku wajahnaa uu soo gaba-gaboobay maadaama culeysyo badan shabaab ka heystaan dhinacyo kala duwan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here