Ahlu Sunnada Galguduud oo qaadacday heshiiski Garoowe

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galguduud ayaa qaadacay shirki Wadatashiga ee lagu soo gaba gabeeyey dhawaan magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Yusuf Xeyfoow oo saakay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirki Garoowe uu ahaa shir aanan dan ugu jirin umada Soomaaliyeed isla markaana loogaga hadlay waxa uu ku tilmaamay been lasoo dhoodhoobay.

Madaxdi ka qeybgaleysay shirka ayuu Mr Xeefoow ku sifeeyey dad isugu tagay Garoowe in ay halkaasi ku cunaan lacago oo ay kaga soo qaateen beesha caalamka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan kuu cadeynayaa in ay waxyaabo badan oo qaldan ay jiraan, adeer meesha waxa la isugu geeyey waxay ahaayeen been, shirkaas wax dan ah oo umada Somaaliyeed ugu jirto ma jirto, anaga cidna uma dirsan mana nalgu casuumay, shirkaas wax baa lagu cuni rabay waana lagu cunay,” ayuu yiri.

Mas,uulkaan ayaa ugu danbeynti sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgali Ahlu Sunna isla markaana aanan horay loogu casuumida, isaga oo intaasi ku daray mas,uulki Ahlu Sunna uga qeybgalay shirka uusan matalin Ahlu Sunna.

Shirki Garoowe ayaa waxaa ka qeybgalay mas,uul ka tirsan Ahlu Sunna oo matalay dhamaan Ahlu Sunna, waxaana kasoo baxay heshiis la filayo in lagu soo dhiso dowlad ay yeelato Soomaaliya oo aanan kumeel gaar aheyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.