Ahlu Sunna Oo Qabatay Gaari Kooxo Hubeysan Ey Soo Dhaceen

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobbolada Dhexe Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey gaari raashiin oo ciidamadda Ahlu Sunna gacanta ku dhigeen.

Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobbolada dhexe Soomaaliya Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa Warbaahinta  u sheegay in ciidamadda ammaanka Ahlu Sunna ay gacanta ku soo dhigeen gaari raashiin oo uu tilmaamay in ay soo dhaceen rag ka tirsan Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Xuseen afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobbalada Dhexe ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in gaari ay ragaasi ka soo dhaceen degmada Bardaale ee gobbolka Bay.

Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray in gaari iyo raggii saarnaa ay gacanta ku hayaan isagoona carabka ku dhuftay in Al-shabaab xiligan ay bilaaween inay dhacaan hantida shacabka waa sida uu hadalka u dhigaye Afhayeenkaasi.

Ahlu Sunna ayaa iyadu qeyb ka ah dhinacyada Somalia kula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab oo iyana gacan saar la leh Ururweynaha Al-Qaacidda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here