Ahlu Sunna oo ku hanjabtay inay weerar ku tahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku hanjabeen in ay weerar ku yihiin deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo ay haatan maamulaan ururka Alshabaab.

Afhayeenka Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed  Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo u waramayay  saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay meel gabogabo ah u marayso qorshaha weerar ka dhan ah Alshabaab ee degmada Baardheere iyo Buurdhuubo.

Wuxuu sheegay in ciidamada Ahlusuna ay isku diyaariyeen weeraro ay ku qaadaan degmooyinka kala ah Baardheere iyo Buurdhoobo oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maxamed Xuseen Al-Qaadi afhayeenka Ururka Ahlusuna ee Gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dhawaan ay sameyn doonaan howlgalkaasi ay kula wareegayaan Degmooyinkaasi.

Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ayaa waxaa ku sugan ciidamada Al-Shabaab oo halkaasi maamula iyadoo Al-Shabaab lagala wareegay Degmooyin dhowr ah oo ku yaala Gobalada dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ayaa iyagana wada qorshayaal ay ku doonayaan inay ku weeraraan degmada Baardhaare oo ah degmo istiraatiji ah isla markaana ah degmada kaliya ee gobolka Gedo ee weli ku jirta gacanta ururka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here