Ahlu Sunna oo dib ula wareegay magaalada Dhuusamareeb iyo qasaaro xoog leh oo ka dhashay dagaalka

Maleeshiyaadka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa dib ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb kadib marki ay saakay ku lumisay gacanta Al Shabaab oo saakay aroorti dagaal ku qabsaday.

Gurmad xoog leh oo ay Ahlu Sunna ka haleen deegaanada kale ee ay maamulaan ee Gobolka Galguduud ayey ugu suura gashay 9:00 subaxnimo  in ay weerar rogaal celis ah ku qaadaan Dhuusamareeb.

Dagaal faraha loogaga gubtay oo labada dhinac ku dhex maray gudaha iyo banaanka magaalada ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa iyo 20 ruux oo labada dhinac ah, sidoo kale 3 qofood oo rayid ah ayaa ku naf waayey dagaalka.

Wariyaasha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegay in dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan ku dhawaad 50 ruux oo isugu jira kooxihi dagaalamay iyo dadka rayidka.

Qasaaraha intiisa badan ayaa waxa uu ka dhashay duleedka magaalada gaar ahaan gaadiid ay Al Shabaab ka bililiqeysteen magaalada oo isugu jira baabuur dagaal iyo noocyada kale ee yar yar ee raaxada oo qaarkood sida la sheegayo leeyihiin dad rayid ah.

Wararki ugu danbeeyey ayaa sheegaya in labada dhinac ay wali isku hayaan meel duleedka bari ka ah Dhuusamareeb halkaas oo ay yaalaan gaadiidka qaarkiis oo labada dhinac wali ku dagaalamayaan.

Dagaalki maanta ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee sanadkaan 2012 ka dhaca magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.