Ahlu Sunna oo beenisey inay duulaan ku yihiin degmada Cadaado.

War ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa lagu beeniyey in  ay weerar ku yihiin deegaano ka tirsan maamulka la magac baxay Ximin iyo Xeeb.

Guddoomiyaha guud ee culumaa’udiinka Ahlu Sunna Prof. Xersi Max’ed Hilowle (Labo garre) ayaa sheegay inuusan jirin wax duulaan ah oo ay ku qaadayaan deegaanada kale oo ka tirsan gobolka Galguduud ee uu maamulo maamulka Ximin iyo Xeeb.

Hase yeeshee guddoomiyaha  guud ee Ahlu Sunna Proff Labo Garre waxa uu sheegay in uusan aqoonsanayn maamulka Ximin iyo Xeeb maadaama uusan ka mid ahayn saxiixayaasha heshiiska Garowe

Hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna ayaa waxa uu yahay mid ka soo horjeeda hadal dhowaan laga soo xigtey guddoomiye ku xigeenka arrimaha fulinta ee ururka Ahlu Sunna kaasoo sheegay in ay weerar ku yihiin dhammaan degmoyinka gobolka Galguduud taasoo loo fahmay inay ku jiraan deegaanada hoostaga maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ururka Ahlu Sunna ayaa waxa uu haatan dagaal adag kula jiraa ururka Alshabaab oo gelinkii dambe ee shalay ay kala wareegeen maamulka degmada Ceelbuur halkaasoo ay maanta ku sugan yihiin inta badan mas’uuliyinta ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.